Emre Can Oo Tilmaamay 7 Kooxood Oo Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus Emre Can ayaa magacaabay 7 kooxood oo ugu cad-cad ku guulaysiga Champions League xilli ciyaareedkan.

Tartanka champions League xilli ciyaareedkan ayaa maraya meel xiiso iyo xamaasad leh iyada oo lagu jiro wareega 16-ka tartanka lana ciyaaray qaybtii hore iyada oo todobaadkan la ciyaari doono qaybta kale.

Emre Can oo Juventus ku qaadanaya sanadkiisii ugu horeeyay horyaalka Serie A-da ayaa tilmaamay kooxaha ugu cad-cad in ay ku guulaystaan tartanka.

“Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa ku jira qaab heer sare ah, Liverpool waxa ay gaadhay finalka champions League sanadkii hore, Bayern Munich waxa ay dib u helaysaa qaab ciyaareedkoodii fiicnaa waxa sidoo kale jira kooxaha Man City, PSG iyo Juventus kuwaas oo dhamaan ugu cad-cad ku guulaysiga champions League.

“Waana sababta uu xiiso u leeyahay tartanka champions League sanadihii ugu dambeeyay”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here