Eden Hazard Oo Talaabo U Qaaday Ku Biirsta Real Madrid, Maxaa Soo Kordhay?

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa lagu soo waramayaa in uu talaabo weyn oo muhiim ah u qaaday ku biirista kooxda Real Madrid sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka France.

Xiddiga reer Belguim ayaa bartilmaameedka 1-aad u ah kooxda Real Madrid xilli Los Blancso is badal weyn lagu samayn doono dhaamadka xilli ciyaareedkan kadib xilli ciyaareed aad u liita.

Wargayska Telefoot ayaa sheegaya in uu Eden Hazard heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Real Madrid haatana kaliya heshiiska ka dhiman tahay in ay labada kooxood ka heshiiyaan qiimaha xiddiga.

Kooxda Real Madrid ayaa dib u soo cusboonaysiisay xiisaha xiddiga kadib soo laabashadii Zinedine Zidane oo taageero weyn u ah xiddiga reer Belguim ee 28 jirka ah.

Hazard ayaa dhawr jeer qirtay in uu ku riyoodo ka hoos ciyaarista Zidane halka uu sidoo kale ku riyoodo in uu xidho maaliyada Real Madrid ee cadaanka ah.

Kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ayaa la fahaamsan yahay in ay haatan ka wada xaajoonayaan qiimaha xiddiga xilli ay Chelsea doonayso 100 Milyan oo euro Los Blancos-na diyaar la tahay 85 milyan oo euro.

Sida ay u badantahay waxa la filayaa in uu Hazard noqdo xiddig Real Madird ah ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan sida uu sheegayo wargayska Telefoot.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here