Eden Hazard Oo Sheegay Wakhtiga Uu Go,aan Ka Gaadhi Doono Mustaqbalkiisa Chelsea Maalmo Ka Hor Furitaanka Suuqa Janaury

0

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga uu go,aanka ka gaadho doono mustaqbalkiisa kooxda chelsea.

Eden Hazard ayaa sheegay in uu mustaqbalkiisa go,aamin doono dhamaadka xilli ciyaareedkan taas oo meesha ka saaraysa wararka xiddiga la xiriirinaya Real Madrid suuqa January.

Hazard ayaa si joogto ah loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid isaha oo sheegay dhawr jeer in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Caasimada Spain ee Madrid.

Chelsea ayaa isku dayaysa in ay xiddiga ku qanciso in ay heshiis cusub ka saxiixdaan laakiin wadahadaladii ayaa istaagayy.

Kadib markii wax laga waydiiyay in uu iska diidi doono oo uu heshiis cusub u saxiixi doono Hazard ayaa yidhi” Hadii aan runta ka hadlo, haatan waxa aan kaliya diirada saarayaa kulamada, kadib waxa aan eegi doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan”.

Hadalka ka soo baxay xiddigan ayaa hurdo u diraya wararka Hazard la xiriirinaya Suuqa January maadama uu xilli ciyaareedka ku dhamaysan doono kooxda Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here