Eden Hazard Oo Saadaaliyay Gonzalo Higuain Kadib Labadii Gool Ee Huddersfield

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa sameeyay saadaalin Gonzalo Higuain ah kadib markii uu xiddiga reer Argentine 2 gool ku furtay goolashiisa chelsea.

Eden Hazard ayaa ku kalsoon in ay wax badan ka soo socdaan Gonzalo Higuain kadib markii uu xiddigu dhaliyay 2 gool kulankii ay chelsea guusha wweyn ka gaadhay kooxda Huddersfield kana tirsanaa horyaalka premier leageu.

Kadib guul daradii ay ceebtu ka soo raacday Bournemouth Higuian ayay 16 daqiiqo ku qaadatay in uu dhaliyo goolkiisii ugu horeeyay ee chsela.

31 jirka amaahda uga maqan kooxda Juventus oo joogi doona Blues inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ayaa soo bandhigay 20 daqiiqo oo cajiib.

“Waxa aan isku dayi doonaan in aan isla shaqayno, Higauin waa xiddig cusub laakiin waxa uu garanayaa waxa uu tababaruhu doonayo”ayuu Hazard yidhi.

“Waa weeraryahan weyn waxana uu dhalin karaa goolal badan, England way ka duwan tahay Italy iyo Spain laakiin waxa uu leeyahay awood weyn”.

“Kulankan kadib waxa aan ku kalsoonahay in uu ka sii fiicnaan doono waliba dhalin karo goolal kale oo badan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here