Eden Hazard Oo Qaaday Talaabadii Ugu Horaysay Ee Uu Chelsea Ugu Qasbayay In Ay Ka Iibiso Real Madrid Xagaaga, Muxuu Sameeyay?

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa qaaday talaabadii ugu horaysay ee uu kooxda chelsea ugu qasbayay sidii ay uga iibin lahayd kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Eden Hazard ayaa diiday waliba diidi doona in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Chelsea si uu ugu qasbo in ay ka iibiyaan kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan xagaaga.

Xiddiga reer Belguim ayaa bartilmaameed u noqday Zinedine Zidane xilli ay kooxda Real Madrid si aad ah ugu kalsoontahay in ay heli doonto saxiixa 28 jirkan.

Hazard ayuu hal sano oo kaliya uga hadhay heshiiskiisa kooxda chelsea waxana uu diiday fursad uu kooxda chelsea ugu saxiixi karo heshiis uu todobaadkii ku qaadanayo 300 kun oo Gini oo mushahar ah.

Kooxda chelsea ayaa dalban doonta lacag dhan 100 milyan oo euro si ay u fasaxaan xiddigooda ugu fiican xilli ay Real Madrid diidantahay in ay lacagtaas bixiso.

Laakiin Eden Hazard ayaa isku dayi doona in uu kooxdiisa ku qabso in ay Real Madrid ka iibiso xagaagan hadii kale uu ugu hanjabo in uu si xor ah uga tagi doono xagaaga 2020 sida laga soo xigtay Wargayska Daily Telegraph.

Chelsea ayaa diiday in ay Eden Hazard ka iibiso koox kasta oo premier League ah laakiin waxa ayna awood u yeelan doonin in ay ka celiyaan in uu Ku Biiro Man City oo si aad ah u doonaysa adeegiisa hadii ay xilli ciyaareed kale sii haystaan maadama uu si xor ah ugu biiri karo kooxda uu doono.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here