Eden Hazard Oo Magacaabay Garoonka Uu England Jecel Yahay Ka Ciyaaristiisa, Mana Ahan Stamford Bridge

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa tilmaamay garoonka uu jecel yahay in uu mar walba ku ciyaaro kuan yaala dalka England.

Eden Hazard ayaa sheegay sida uu u jecel yahay in uu mar walba ku ciyaaro garoonka kooxda Liverpool ee Anfield.

Hazard ayaa 16 kulan ku ciyaaray Anfield intii uu joogay England waxana uu ka dhaliyay 7 gool halka uu caawiye ka noqday 7 kale.

Kulankii ugu dambeeyay ee uu Hazard ku ciyaaray Anfield ayaa ahaa kulankii Carabao cup-ka isaga oo ka dhaliyay gool cajiib ah.

“Waan Jecelahay in aan ku ciyaaro garoonka Anfield, jawiga, Taageerayaasha iyo wax walba oo halkaas ah waa cajiib, waa jecelahay in aan ku ciyaaro halkaas”.

“Waxa aan garoonkaas ka dhaliyay goolal badan gaar ahaan marka uu goolka ku jiro goolhaye Simone Mignolet waan ka xumahay laakiin goolasha aan ka dhaliyo garoonkaas waxa ay ii leeyihiin dha-dhan gaar ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here