Eden Hazard Oo Ka Jawaabay Heestii Taageerayaasha West Ham Ee “Waxa Uu Tagayaa Real Madrid”.

0

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa ka hadlay heestii ay taageerayaasha West Ham ku heeseen ee ahady “waxa uu tagayaa Real Madrid” intii lagu jiray kulankii ka dhacay Stamford Bridge ee ay Blues 2/0 uga badisay kooxda West Ham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Xiddiga reer Belguim ayaa dhaliyay 2 gool ee Chelsea ku hogaamiyay guusha isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay kaalinta 3-aad ka soo galaan kala saraynta horyaalka xilli ay 5 kulan u hadhay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee Eden Hazard ayaa muujiyay muhiimada uu Xiddigu u leeyahay kooxda xilli wakhtigii ugu dambeeyay lala xiriirinayo in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Real Madrid ayaa si aad ah u doonaysa xiddiga reer Belguim xilli uu xiddiga laftiisu qirtay in uu ku riyoonayo ka hoos ciyaarista Zinedine Zidane hadii uu tababare u yahay Real Madrid.

Intii uu socday kulankii xalay taageerayaasha West Ham ayaa ku heesayay” Waxa tagayaa Real Madrid” intii ay socotay ciyaartu oo dhan.

Laakiin Eden Hazard ayaa hoos u dhigay arinta ku biiristiisa kooxda Real Madrid suuqa xagaaga laakiin aan meesha ka saarin in uu ku biiri doono.

“Maya, Maya, Way khaldan yihiin, haatan waxa aan kaliya diirada saarayaa chelsea ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan”.

“Waxa kaliya ee aan doonayaa in aan kooxda ka caawiyo ku dhamaysiga kaalinta 4-aad sidoo kale ku guulaysiga Europa League”.

“Waxa wali hadhay wax badan oo aan qaban karno kadib waan eegi doonaa waxa dhaca”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here