Eden Hazard Oo Ka Jawaabay Haddii Uu Heshiis Buuxa Haddaba La Sii Gaadhay Real Madrid.

Waxaa dhawaan soo baxay warar sheegayay in Real Madrid ay haddaba heshiis buuxa la gaadhay xidiga xulka qaranka Belgium iyo kooxda Chelsea ee Eden Hazard kaas oo marar badan cadeeyay sida uu u jecel yahay in uu u ciyaaro Santiago Bernabeu gaar ahaan in uu Zidane ka hoos shaqeeyo.

Eden Hazard ayaa dhawaan sheegay in sababta uu kubbada cagta u bilaabay ay ahayd in uu Zidane ku dayan jiray laakiin Eden Hazard oo ka soo muuqday shirkii jaraa’id ee xulka qarankiisa ayaa ka jawaabay haddii uu heshiis la sii gaadhay Real Madrid.

Eden Hazard ayaa si cad u beeniyay in uu jiro wax heshiis ah oo ilaa hadda dhex maray maamulka Real Madrid iyaga oo warar soo baxay sheegayay in ay wada hadal sir ah yeesheen Zidane isla markaana uu Madrid heshiis la sii gaadhay kaas oo uu hadda beeniyay.

Markii uu wariye isku dayay in uu Eden Hazard waydiiyo in uu heshiis la sii gaadhay Real Madrid ayuu markiiba Hazard sii fahmay isaga oo aan su’aashii dhamayn wuxuuna ku sii jawaabay: “Maya. Maya. Halkan anigu uma fadhiyo in aan ka hadlo wax Real ku saabsan”.

Laakiin Eden Hazard ayaa lagu riixay in uu ka hadlo wararka sheegaya in uu heshiis la gaadhay Real Madrid taas oo keentay in uu jawaabta sii bixiyo wuxuuna Hazard yidhi: “Wali waxba ma jiraan. Anigu waxaan diirada saarayaa kulanka Cyprus, kaasi waa wax kaliya ee aan hadda ka shaqaynayo”.

Eden Hazard ayaa ka mid ah xidigaha sida wayn looga doonayo Real Madrid laakiin waxaa xaalada sii xumaynaysa in marka la gaadho bisha June ee soo socota uu heshiiskiisa Chelsea ka hadhsanaan doono hal sano oo kaliyi taas oo maamulka Blues walwal dheeraad ah ku abuuraysa.

Chelsea waxay u dagaalamaysaa sidii ay ugu guulaysan lahayd Europa League ee ay ugu soo bixi lahayd UEFA Champions league iyada oo hadda u muuqata in ay kaalinta afraad ku adkaan doonto wuxuuna Hazard doonayaa in xili ciyaareedka soo socda aanu ka maqnaan Champions league.

Ugu danbayn Hazard ayaa 13 gool ka soo dhaliyay Premier league intii xili ciyaareedkan lagu jiray  isaga oo 11 gool caawin kale abuuray wuxuuna sidaa kaga soo qayb qaatay 24 gool oo Premier league ah waana sababta uu u yahay xidiga Chelsea ugu muhiimsan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here