Eden Hazard Oo Ka Hadlay Arinta Muranka Badan Dhalisay Saacadihii Ugu Dambaysay Ee Dhex Martay Sarri & Kepa

0

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa ka hadlay arintii muranka badan dhalisay kulankii Finalka Carabao cup-ka ee uu goolhaye Kepa diiday in uu badal uga boxo ciyaarta.

Hazard ayaa meesha ka saaray in uu xiriir xun ka dhexeeyo Kepa iyo Maurizio Sarri kadib wixii dhacay finalkii Carabao cup-ka ee ay chelsea guuldarada rikoodhayaasha ah kala kulantay Man City.

Kepa ayaa diiday in uu badalo Willy Caballero ka hor intii aan la bilaabin rikoodhayaasha taas oo ka xanaajisay Maurizio Sarri iy caawiyihiisa Zola.

Dhacdadaas kadib Kepa ayaa lagu ganaaxay in uuna todobaad qaadan mushahar laakiin Goolhayaha ayaa sii haysan doona booskiisa kulanka Tottenham ee Arbacada.

Goolhayaha ayaa saaxiibadiisa ka raali galiyay wixii uu sameeyay markii uu soo xaadiray tababarkii Isniintii.

Sida laga soo xigtay wargayska Daily Telegraph dagaal afka ah ayaa Kepa iyo Sarri ku dhex maray qolka Labiska xilli ay xiddigaha kooxdu la kala safteen tababaraha iyo xiddiga.

Si kasta ha ahaatee wararka uu haatan qorayo Wargayska Daily Telegraph ayaa sheegaya in uu Eden Hazard beeniyay wararkaas.

Ilo wareedyo ku dhaw ayaa sheegaya in uu Hazard aaminsan yahay in uu Kepa sameeyay khalad weyn laakiin uuna wax khilaaf ah kala dhex dhicin xiddiga iyo tababaraha.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here