Eden Hazard Oo Jabiyay Rikoodh U Yaalay Cristiano Ronaldo Horyaalka Premier League Kadib Labadii Gool Ee West Ham

0

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa laba gool u dhaliyay kooxiisa kulankii ay guusha ka gaadheen kooxda West Ham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 33-aad.

Kooxda Maurizio Sarri ayaa inta badan maamulayay kulanka laakiin qaab ciyaareedka cajiibka ahaa ee Eden Hazard iyo goolashii uu dhaliyay ayaa xaday indhaha taageerayaasha.

Xiddiga reer Belguim ayaa gool cajiib ah oo uu xiddigaha West Ham sida daadka isaga dhex maray ku furay goolasha kooxdiisa qaybtii hore ee ciyaartii ka dhacday Stamford Bridge.

Laakiin goolkii uu dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta ayaa Ka Caawiyay in uu dhaafo rikoodh uu Cristiano Ronaldo dhigay wakhtgii uu joogay Man United.

Eden Hazard ayaa dhaliyay goolkiisii 85-aad ee horyaalka premier League 240 kulan oo uu ciyaaray isaga oo la mid ah xiddigii hore ee kooxaha Liverpool iyo chelsea ee Fernanado Torres kaas oo dhaliyay 85 gool 212 gool.

Si kasta ha ahaatee Hazard iyo Torres ayaa ka badan kulamada ay ku gaadheen rikoodhkaas maadama uu Cristiano Ronaldo 196 kulan ku dhaliyay 84 gool oo premier League ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here