Eden Hazard Oo Fariin U Diray Goolhaye Kepa Arrizabalaga Kadib Markii Kaydka La Dhigay Kulankii Tottenham

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa fariin u diray goolhayaha 1-aad ee kooxda chelsea ee Kepa Arrizabalaga kadib markii laga saaray shaxda kulankii Tottenham ee Arbacadii.

Blues ayaa 2/0 ku garaacday Spurs kulan ka tirsanaa todobaadkii 28-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhacay garoonka Wembley.

Kepa Arrizabalaga ayaa kaydka ku bilowday kulankaas kadib markii uu garsooruhu ku ciqaabay in uu diiday in uu badal ku boxo finalkii Carabao cup-ka ay la ciyaarayeen Man City.

Hazard oo la hadlaya wargayska Mirror ayaa yidhi”Kepa Waxa uu leeyahay tao uu kaga mid noqdon karo mid ka mid ah goolhayayaasha ugu fiican adduunka”.

“Isaga naftiisa ayaa sharaxay wixii dhacay una sheegay xiddigaha iyo waliba tababare Maurizio Sarri”.

“Waxa uu si cad u garanayaa in uu khalad galay waliba waxa aan arintaas uga gudbi doonaa si wada jir ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here