Eden Hazard Oo Chelsea Ka Badbaadiyay Guuldaro Ka Soo Gaadha Wolves, Bar-Baro Ayay Galeen

0

Kooxda chelsea ayaa bar-baro kala kulantay kooxda Wolves kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay Stamford Bridge.

Kulanka ayaa ahaa mid ku bilowday mid ay Blues qaab ciyaareed fiicantahay waliba qaadaysay weeraro halis ah halka Wolves ay difaacanaysay kadib qaadaysay weeraro rogaal celis ah.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mi ay Blues gacan saraysay laakiin aanay labada kooxoodba samayn fursado la taaban karo.

Wolves ayaa dhankooda u samrayay daafaca ay ku jiraan iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah Chelsea-na u ogolaaday in ay maamulaan ciyaarta.

Chelsea vs Wolves LIVE score and Premier League updates at Stamford Bridge

Waxa bar-baro gool la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyaga oo labada kooxood ku kala baxay gool la,aan qaybtii hore.

Laakiin Wolves ayaa qaybtii dambe ee ciyaata ka naxsatay kooxda chelsea iyaga oo ku qaaday weeraro rogaal celis ah oo deg-deg ah.

Daqiiqadii 56-aad ayay Wolves dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Raul Jimenez kadib weerar rogaal celis ah oo ay ku qaadeen.

Chelsea ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo qaaday weeraro waali ah laakiin Wolves ayaa si fiican u difaacatay.

Wolves ayaa xitaa dhawr mar ku dhawaatay in ay chelsea ka dhaliso gool kale marka la eego fursadihii ay samaynayeen marka ay qaadaan weerarka rogaal celiska ah.

Kadib muddo dheer oo ay goolka bar-baraha raadisay kooxda chelsea ayaa daqiiqadii 9+2 dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Eden Hazard kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea bar-baro wakhti dambe ah dhalisay kana bad-baaday guuldaro ay kala kulanto Wolves.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here