Eden Hazard: Halkan Xiddig Ayaa Ah Midka Ugu Fiican Taariikhda Kubada Cagta

Xiddiga Kooxda chelsea iyo xulka qaranka Belguim ee Eden Hazard ayaa ku biiray dooda aan dhamaadka lahayn ee xiddiga ugu fiican adduunka.

Eden Hazard ayaa si aan jeed-jeedsi lahaydn u sheegay in uu xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi yahay xiddiga ugu fiican adduunka.

“Ma jiraan labo GOAT, waxaa jira hal kaliya waana isaga,” ayuu Messi ka yiri wareysi uu siiyay wargeyska Belgian edition HLN.

“Labadii kulan ee aan wajahay Barcelona ma ahayn kuwii ugu fiicnaa sanadkii 2018 laakiin waxa aan ku faraxsanaa in aan wajahay Messi”.

“Laakiin ma noqon sidii aan filayay”.

“Waxa aan ahaa mid niyad jabsan”.

Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in labadii kulan ee champions League in mid ka mid ah caruurtiisu uu ku qayliyay una sheegay in uu moodayay in uu u ciyaarayay Barcelona markii uu baaska Khalday.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here