Dybala oo la nasin doono iyo Mandzukic oo dib u soo laabanaayo kulan Parma

Kooxda Kubada Cagta Ee Juventus ayaa Dib U Ciyaari Doonta Kulan Ka Tirsan Horyaalka Talyaaniga.

Juvantus Ayaa Isbuucaan Laga Soo Ciribtiray Tartanka Coppa Italia Kadib Markii Ay Qasaaro Ka Soo Gaartay Kooxda Atlanta.

Weli waa Guuldaro La’aan Kulamada Horyaalka Waxayna Doonayaan In ay Sii xoojiyaan Rikoorkooda Oo Ay Caawa ka Talaabaan Dhigooda Parma.

Kulanka Caawa Isbadal Dhanka Shaxda ah Ayuu sameen doonaa Macalinla Hogaamiya Juventus Waxaana La Rajeynayaa in uu kulankaas Seego Dybala Oo Nasiino Loo Diri doono.

Sido kale Mandzukic ayaa dib u soo laaban doona kaasoo dhawaanahaan Dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa Juvantus.

Ronaldo ayaa Diyaar u ah kulanka waxa uuna doonayaa in uu dib u soo Ceshto Hogaanka Gool Dhalinta oo lagala wareegay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here