Dowladda Isreal Oo Ka Hadashay In Mohamed Salah Uu Ka Huleelo Kooxda Liverpool , Sidee Wax U Dhaceen?

Israel ayaa ka jawaabtay baaqyada lo jeedinayo Mohamed Salah ee ku aadan in uu ka huleelo kooxda Liverpool haddii ay dhacdo in laacibka reer Israel ee Moanes Dabour uu ku soo biiro kala wareeggaan kooxda Liverpool .

Qeybta afka carabiga ee wasaaradda arimaha dibada Israel ayaa lagu muujiyay sida ay ugu xun yihiin baaqyada loo jeedinayo Mohamed Salah ee ah in uu ka huleelo Liverpool .

” In siyaasadda iyo ciyaaraha la is dhex giliyo ma haboona , waxaan rajeyneynay in haddii uu Moanes Dabour ku biiro Liverpool in aan aragno is kaashi dhex mara ciyaartooyda”.

Wargeyska Daily Mirror ayaa dhawaan qoray in Liverpool ay haminayaan in laacibkaas kala soo wareegaan kooxda reer Austria ee Bull Salzburg marka suuqa uu furmo todobaadka dambe.

Tan iyo markii uu warkaas uu soo baxay waxaa baraha bulshada carabta qabsaday dood ku aadan sida Salah iyo Moanes Dabour isaga garab ciyaari karaan maadaama 26 sano jirkaas uu ka tirsan yahay qaranka Israel .

Moanes Dabour ayaa ka soo jeeda carabta loo yaqaan 48 oo ah kuwo ku dhashay maagaalada Alnasira , waxa uuna laacibkaas sheegay in sababta uu ugu ciiyaaray qaranka koowaad ee isreal ay tahay si ay ugu suura gasho ka ciyaaridda horyaaladda waa weyn ee yurub maadaama Falastin u ciyaari karin maxaa yeelay ma uusan joogin dhul hoos taga maamulka Falastin .

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in Moanes Dabour ay horay isaga garab ciyaareen ciyaaryahan Masaari ahaa waana garabka kooxda Al zamalik ee Mahmoud Abdel-Moneim Soliman(Kahraba) kaasi oo ay xilli ciyaareedkii 2014/2015-ka ka tirsanaayeen kooxda Grasshopper ee Switzerland.

Mahmoud Abdel-Moneim Soliman ayaa xilligaas is difaacay waxa uuna soo duubay muuqaal uu kula jiro Moanes Dabour isaga oo yiri ” waa laacib Falastini ah oo muslim ah , sooma sidoo kalana tukada balse duruufta ay ku qasabtay in uu u ciyaaro qaranka Isreal”.

Moanes Dabour ayaa si wacan uga soo muuqday horyaalka Austria xilli ciyaareedkii hore isaga oo kooxdiisa Salzburg u dhaliyay 22 gool oo horyaalka ah iyo 8 gool oo Europa League ah .

Inkastoo ay soo baxayaan wararka sheegaya in Salah uu ku war giliyay maamulka Liverpool haddii laacibkaas reer Isreal la soo hishiiyaan hadana wargeyska Masar ee Alrai Alyoum waxa uu ilo wareed ku dhaw Salah ka soo xigtay in laaicbka uu beeniyay wararkaas .
Ugu dambeyn , waxaa la xusuusan yahay in Mohamed Salah uu horay u dhaliyay dood markii uu joogay kooxda Basel ka dib markii uu ka qeyb galay kulan ay kooxdaas la yeesheen dhiggoda Isreal ee Maccabi Tel Aviv F.C.

Waxa uu Salah kulankaas diiday in uu salaamo ciyaartooyda Isreal xilligaas oo uu isku mashquuliyay xerashada xargaha kabahihiisa halka kulankii labaadna uu sameeyay farsamo kale isaga oo gacantiisa laabtay oo kaliya uu been guuray kana fogaday in uu si buuxda u gacan qaado, Hoose ka daawo muuqaalkaas ee uu joogay kooxda Basel

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here