Dimitar Berbatov: Halkan Arin Ayaa Sabab U Ah Natiijooyinka Xun Ee Liverpool, Walina Horyaalku Wuu Furan Yahay.

Xiddigii hore ee kooxaha Man United iyo Tottenham ee Dimitar Berbatov ayaa sheegay sababta ka dambaysa natiijooyinka xun ee kooxda Liverpool ee kulamadii ugu dambeeyay.

Dimitar Berbatov ayaa sheegay in qaab ciyaareedka Liita ee Mohamed Salah sabab u yahay natiijooyinka xun ee kooxda Liverpool.

Mohamed salah ayaa ku jira qaab ciyaareed Liita xilli ciyaareedkan kulamadii ugu dambeeyay isaga oo aan dhalin wax gool ah 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Liverpool ayaa dhankeeda ugu dambayn hogaanka horyaalka premier league u wayday kooxda Man City kuwaas oo haatan hal dhibic kaga haya hogaanka.

Dimitar Berbatov oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Waxa xaadirkan waxa jira cadaadis weyn oo saaran kooxaha Liverpool iyo Man City sabab la xidhiidha tartanka horyaalka”.

“Waxa aynu aragnay Mohamed Salah oo khasaarinaya fursado goolal laga dhalin karo waxana uu u muuqdaa mid qaab xun ku jira arintaas ayaana sabab u ah Natiijooyinka Liita ee Liverpool”.

“Waxa jira wali Kufitaanka kooxaha Man City iyo Liverpool ah waxana ay labada kooxoodba fursad u haystaan ku guulaysiga horyaalka premier League”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here