Diego Godin Oo Ku Baasay Tijaabada Caafimaadka Inter Milan & Faah-Faahinta Heshiiska Uu Ugu Biiri Doono Oo La Ogaaday

Xiddiga daafaca uga ciyaara Kooxda Atletico Madrid ee Diego Godin ayaa lagu soo waramayaa in uu ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda Inter Milan ka hor inta uuna xagaaga ku biirin kooxda.

Sida laga soo xigtay Sky Sport Italia, Godin aya haatanba saxiixay heshiiskii uu ugu biiri lahaa kooxda ka ciyaarta horyaalka Serie A-da.

Shabakada ayaa intaas ku daraysa in ay Atletic Madrid ku fashilantay isku daygii ugu dambeeyay ee ay doonaysay in ay 32 jirkan heshiis cusub uga saxiixato.

Xiddiga reer Urugauy ayaa la filayaa in uu qalina ku duugo heshiis ilaa xagaaga 2021 ah iyada uu heshiiska ku jiro hal sano oo dookh ah.

Godin ayaa xiddig Inter Milan ah noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Atletico Madrid.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddigan kooxda Inter Milan mushahar ahaan uga heli doono sanadkii lacag dhan 6 milyan oo eur.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here