Dib U Eegid: Xogtii Laga Bartay Kulankii Ay Man United Sida Mucjisada Leh Ugu Soo Baxday 8 Dhamaadka

Kooxda Man United ayaa samaysay mucjisada kubada cagta xilli ciyaareedkan kadib markii ay guul ka gaadheen kooxda PSG una soo bexeen wareega 8 dhamaadka tartanka champions Leageu.

Kulanka ayaa ahaa mid ay kooxda PSG qaab ciyaareed fiicnayd laakiin kooxda Man United ayaa laba gool oo khalad PSG ay kaga faa,iidaystay kaga dhalisay ka hor inta ayna dhalin rikoodhada 3-aad.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka & xogta laga diwaan galiyay kulanka:

1.Goolkii uu Romelu Lukaku u dhaliyay Man United ee uu dhaliyay 1 daqiiqo iyo 51 Il bidhiqsi kadib ayaa ah goolkii ugu deg-dega badnaa ee laga dhaliyo champions League wareega Bug baxa tan ilaa Goolkii uu Wayne Rooney dhaliyay 63 Il bidhiqsi kadib kana dhaliyay Bayern Munich bishii March 2010.

2.Kylian Mbappe ayaa sameeyay caawinta ugu badan ee tartanka champions League xilli ciyaareedkan isaga oo caawiye ka noqday 5 gool.

3.Man United ayaa dhalisay wax ka badan Hal gool kulamada bug baxa champions league ay martida tahay markii ugu horaysay tan ilaa Semi-finalkii tartanka ee 2010/2011 markaas oo ay la ciyaarayeen kooxda Schalke.

4.PSG ayaa laga dhaliyay 2 gool 30-kii daqiiqo ee ugu horaysay kulan champions League ah markii ugu horaysay tan ilaa October 1997 markaas oo ay Bayern Munich sidaas samaysay.

5.Man United ayaa gool dhalisay 21 kulan oo xiriir ah tartamada oo dhan kulamada ay ku ciyaaraysa meel ka baxsan garoonkeeda iyada oo bar-baraysay rikoodhkaas oo ay dhigtay intii u dhexaysay November 1056 iyo September 1957.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here