Dib U Eegid: Xog Cajiib Ah Oo Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Liverpool, United & Man City

Kooxaha Liverpool & Man United ayaa guulo waaweyn ka gaadhay kooxda Huddersfield iyo Newcastle kulamo ka tirsanaa todobaadkii 19-aad ee horyaalka premier league.

Dhanka kale Man City ayaa la kulantay guuldaradii 2-aad oo xiriir ah kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda Leicester City kulan ka dhacay King Power.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulamadii Man United, Liverpool iyo Man City.

1.Man City ayaa gool laga dhaliyay laadkii ugu horeeyay ee lagu laago 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay premier league.

2.Nemanja Matic ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Man United ee Premier League tan ilaa bishii March markaas oo uu gool ka dhaliyay Crystal Palace isaga oo aan dhalin 23 kulan oo premier league.

3.Mohamed Salah ayyaa dhaliyay goolkii 10-aad ee premier League xilli ciyaareedkan isaga oo ka badan xiddig kasta oo premier League ah.

4.Paul Pogba ayaa ku lug lahaa 4 gool 2 kulan oo uu ciyaaray intii uu Ole Gunnar Solskjaer tababaraha u Noqday United 2 gool iyo 2 caawin, waana in la mid ah intii uu diwaan gashaday 12 kulan oo uu Mourinho tababare u ahaa kooxda.

5.Markan ayaa ah markii 2-aad tan ilaa 2 bishii November 2002 oo ay Liverpool 6 dhibcood ku qabatay hogaanka horyaalka premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here