Dib U Eegid: Xaqiiqooyn Xasaasi Ah Oo Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Man City Xasuuqday Chelsea.

0

Kooxda Man City ayaa xasuuq aan loo kala hadhin u gaysatay kooxda chelsea kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 27-aad.

Man City ayaa 6 gool iyo walba gadhka u galisay chelsea kulan ay wax walba ka samaysatay kooxda Blues kana dhacay garoonka Etihad.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulankii ay City xasuuqday kooxda Chelsea:

1.Sergio Aguero ayaa noqday xiddigii 5-aad ee laba kulan oo xiriir ah premier League ka dhaliya saddexley tan ilaa Didier Drogba oo sidaas sameeyay August 2010.

2.Sergio Aguero ayaa la bar-bareeyay halyeeyga Alan Shearar isaga oo noqday xiddiga saddexleyda ugu badan ka dhaliyay premier League isaga oo dhaliyay 11 saddexley.

3.Kooxda Man City ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee horyaalka heerka sare dhalisay gool 15 kulan oo xiriir ah oo garoonkeeda ah horyaalka iyada oo kooxdii ugu dambaysay ee sidaas samaysa ahayd Tottenham oo sidaas samaysay December 1965.

4.Chelsea ayaa laga dhaliyay 4 gool kulan ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda markii ugu horaysay tan ilaa December 1990.

5.Sergio Ag├╝ero ayaa noqday xiddiga 6-aad ee taariikhda premier League ku lug lahaada 200 oo gool isaga oo ka dambeeya xiddigaha Wayne Rooney (Man Utd), Ryan Giggs (Man Utd), Thierry Henry (Arsenal), Frank Lampard (Chelsea) & Steven Gerrard (Liverpool).

6.Sergio Aguero ayaa dhaliyay 6 gool oo premier League ah sanadka 2019 isaga oo 2 gool ka badan xiddig kasta oo premier League ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here