Dib U Eegid: Waxyaabihii Taariikhiga Ahaa Ee Laga Bartay Guushii Juventus Ee Atletico Madrid

Kooxda Juventus ayaa guul ay u qalmeen ka gaadhay kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsanaa tartanka champions league.

Cristiano Ronaldo ayaa noqday geesiga kulanka kadib saddexley uu ka dhaliyay kulanka kooxda Juventus-na ugu hor seeday wareega 8 dhamaadka.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa waxyaabihii laga bartay kulankii taariikhiga ahaa ee ay Juventus ku garaacday Atletico Madrid.

1.Cristiano Ronaldo ayaa si toos ah ugu lug lahaa 77 gool 77-kii kulan ee wareegayada bug baxa tartanka champions League 62 gool iyo 14 caawin.

2.Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 25 gool 33 kulan oo uu ka hor tagay kooxda Atletico Madrid kaliya Kooxda Sevilla oo uu ka dhaliyay 27 kulan ayaa ka badan.

3.Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay saddexleydiisii 8-aad ee tartanka champions League isaga oo bar-bareeyay Lionel Messi.

4.Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Abid taariikhda tartanka champions league dhaliya 125 gool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here