Dib U Eegid: Waxyaabihii Laga Bartay Kulankii Cajiibka Ahaa Ee Liverpool Garaacday Bayern Munich.

0

Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Bayern Munich iskana xaadirisay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Goolal ay dhaliyeen Sadio Mane (2) & Virgil Van Dijk ayaa Reds ka caawiyay in ay gaadho guul ay u qalantay isagana xaadirisay wareega xiga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa waxyaabihii laga bartay kulankii ay Liverpool garaacday Bayern Munich.

1.Joel Matip ayaa ah xiddigii 4-aad ee Liverpool ah ee gool iska dhaliya tartanka champions League kadib xiddigaha James Milner, Sami Hyypia io John Arne Riise.

2.Virgil van Dijk ayaa dhaliyay 3 gool 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee Liverpool ee tartamada oo dhan waana in ka badan intii uu sameeyay 55-kii kulan ee hore.

3.Virgil van Dijk ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee gool dhaliya ama caawiye ka noqda kulan wareega bug baxa champions league tan ilaa Craig Bellamy oo sidaas sameeyay February 2007.

4.Sadio Mane ayaa haatan noqday xiddiga ugu goolasha badan kulamada martida ah ee champions League ee taariikhda kooxda Liverpool isaga oo dhaliyay 7 gool.

5.Tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkii hore xiddiga James Milner ayaa ah xiddiga caawinta ugu badan sameeyay champions league isaga oo caawiye ka noqday 10 gool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here