Dib U Eegid: Waxyaabihii Laga Bartay Kulankii Ay Arsenal Kooxda Man United & Ole Gunner Solskjaer Dhabarka U Saartay Guuldarada

Kooxda Arsenal ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Man United kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay Emirates.

Arsenal ayaa ugu dambayn qadhaadhka guuldarada premier League dha-dhansiisay tababare Ole Gunner Solskjaer kaas oo markii ugu horaysay laga abdiyay premier League.

Goolal ay dhaliyeen Granit Xhaka iyo Pierre-Emerick Aubameyang ayaa Arsenal ka caawiyay in ay guul ka gaadhaan kooxda Man United.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa waxyaabihii laga bartay kulanka:

1.Man United ayaa ku fashilantay in ay 3 kulan oo xiriir ah ku garaacdo Arsenal garoonkeeda tartamada iyada oo rikoodhkaas dhigtay sanadkii 1985.

2.10 ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay premier league ee ay Arsenal garaacday Man United waxa ay ahayd maalin Axad ah.

3.6 ka mid ah 7-da gool ee uu Granit Xhaka Arsenal uga dhaliyay premier League ayaa ka dhashay meel ka baxan dilinta ganaaxa iyada oo ay ku jiraan 2 gool oo uu ka dhaliyay United.

4.David De Gea ayaa laga dhaliyay 6 gool oo ka baxsan dilinta ganaaxa xilli ciyaareedkan iyada oo ah laba jibaarka intii laga dhaliyay xilli ciyaareedkii hore.

5.Goolkii 1-aad ee ay Arsenal ka dhalisay Man United daqiiqadii 12-aad ee uu dhaliyay Granit Xhaka ayaa ah laadkii kaliya ahaa ee ay ku laageen goolka man United qaybtii hore.

6.Kaliya xiddigaha Mohamed Salah (20) & Sergio Aguero (19) ayaa dhaliyay goolal ka badan Pierre-Emerick Aubameyang Marka ay garoonkooda ku ciyaarayaan tan ilaa kulankiisii ugu horeeyay ee premier League isaga oo dhaliyay 19.

7.Mason Greenwood oo jira 17 sano iyo 160 maalmood ayaa ah xiddigii 2-aad ee ugu yaraa ee Man United u ciyaara kulan premier League ah kadib Angel Gomez oo jiray 16 sano iyo 263 maalmood.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here