Dib U Eegid: Solskjaer, Pogba & Xog Cajiib Ah Oo la Diwaan Galiyay Kulankii Ay United Ka Badisay Brighton

Kooxda Man United ayaa guul ka gaadhay kooxda Brighton siina wadatay rikoodhkeeda cajiibka ah ee guulaha tan ilaa markii uu Ole Gunners Solskjaer tababaraha u noqday.

Goolal ay dhaliyeen Paul Pogba iyo Marcus Rashford ayaa United ka caawiyay in ay gaadho guusheedii 6-aad oo xiriir ah horyaalka premier league.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xogta cajiibka ah ee laga diwaan galiyay kulankii ay United garaacday Brighton.

1.Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee kooxda Man United ah ee guul gaadhay 6-diisii kulan ee ugu horaysay horyaalka premier League.

2.Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ayaa dhaliyay goolkiisii 41-aad klankiisii 150-aad ee kooxda Man United tartamada oo dhan waxana uu dhaliyay goolal ka badan xiddig kasta oo kooxda ah tan ilaa markii uu kulankiisii ugu horeeyay u saftaykooxda.

3.Paul Pogba ayaa bar-bareeyay rikoodhkiisii ugu fiicnaa ee xilli ciyaareed kaliya isaga oo dhaliyay 8 gool sidaasna ku bad-bareeyay sanadihii 2014/2015 iyo 2015/2016 oo uu dhaliyay isla 8 gool.

4.Dhanka kale Paul Pogba ayaa noqday xiddigii 2-aad ee 3 kulan oo xiriir ah gool ka dhaliya Garoonka Old Traffrod tan ilaa Cristiano Ronaldo oo sidaas sameeyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here