Dib U Eegid: Sergio Aguero Oo Arsenal Ka Dhaliyay Saddexleydiisii 10-aad, Imisa Xiddig Ayaa Ka Badan Taariikhda Horyaalka?

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed uu ku mutaystay xiddigii kulanka kulankii ay Man City guusha ka gaadhay Arsenal.

Saddexley uu dhaliyay xiddiga reer Argentine ee Sergio Aguero ayaa Man City ka caawiyay in ay gaadho guul 3/1 ah kulan ka dhacay Etihad.

Kadib saddexleyda uu ka dhaliyay Arsenal Sergio Aguero ayaa dhaliyay saddexleydiisii 10-aad ee premier League intii uu joogay Man City.

Kaliya Halyeeyga reer England ee Alan Shearer ayaa ka badan saddexleyda xiddiga reer Argentine kaas oo dhaliyay 11 saddexley taariikhda premier League.

Dhanka kale Sergio Aguero ayaa dhaliyay goolkiisii 14-aad ee premier League xilli ciyaareedkan isaga oo ku jira tartanka gool dhalinta horyaalka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here