Dib U Eegid: Sadio Mane Oo Bar-Bareeyay Rikoodh U Yaala Mohamed Salah & Xiddigo Kale Oo Liverpool Soo Maray

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay kooxda Burnley kulan ka tirsanaa horyaalka premier league kana dhacay garoonka Anfield.

Goolal ay dhaliyeen Sadio Mane (2) Iyo Roberto Firmino ayaa Reds ka caawiyay in ay guul soo laabasho leh ka gaadhaan kooxda Burnley.

Kadib goolasha uu dhaliyay xiddiga Sadio Mane ayaa bar-bareeyay rikoodh u yaalay xiddigo soo maray kooxda Liverpool.

Sadio Mane ayaa noqday xiddigii 5-aad ee gool dhaliya 6 kulan oo xiriir ah oo uu ku ciyaaray Anfield horyaalka premier Lague.

Mane ayaa ka dambeeya xiddigaha Michael Owen, Fernando Torres, Luis Suarez Iyo Mohamed Salah kuwaas oo sidaas sameeyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here