Dib U Eegid: Paul Pogba Oo Dhigay Rikoodhkiisii Ugu Fiicnaa Xirfadiisa Ciyaareed Ee Horyaalka

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa sii wada qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa ee wakhtigii ugu dambeeyay isaga oo guul ku hogaamiyay kooxda Man United kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier League.

Xiddiga reer Frace ayaa dhaliyay labadii gool ee ay kooxda Man United kaga adkaatay kooxda West Ham kulan ka tirsanaa todobaadkii 34-aad ee horyaalka premier League.

Shabakada Sky Sport ayaa sheegtay in uu Paul Pogba ku lug lahaa 22 gool oo horyaalka premier League ah xilli ciyaareedkan kulamadii uu u ciyaaray kooxdiisa Man United.

Paul Pogba ayaa dhaliyay 13 gool sidoo kale caawiye ka noqday 9 kale xilli ciyaareedkan rikoodhkaas oo ah midkii ugu fiicnaa ee uu gaadhay xirfadiisa ciyaareedk.

Rikoodhkii ugu fiicnaa ee uu Paul Pogba gaadhay ayaa ah mid uu 20 gool ku lug lahaa kaas oo ahaa xilli ciyaareedkii 2015/2016 markaas oo uu u ciyaarayay kooxda Juventus.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here