Dib U Eegid: Mohamed Salah Oo Loo Diwaan Galiyay Rikoodh Cajiib Ah Kadib Labadii Gool Ee Crystal Palace

Kooxda Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Crystal Palace kulan xiiso lahaa oo ay labada kooxood isku ordayeen.

Goolal ay dhaliyeen Mohamed Salah (2), Roberto Firmino iyo Sadio Mane ayaa Reds ka caawiyay in ay guul waali ah ka gaadhaan Palace.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa rikoodh taariikhi ah ka dhigay kulanka kadib markii uu laba gool ka dhaliyay Crystal Palace.

Salay ayaa dhaliyay goolkiisii 50-aad ee premier League kadib 72 kulan oo uu ka ciyaaray tartanka premier League tan ilaa markii uu ku soo biiray.

Kaliya xiddigaha Andy Cole (65), Alan Shearer (66) & Ruud van Nistelrooy (68) ayaa Tiro kulamo ah oo ka yar Mohamed salah ku dhaliyay 50 gool.

Waxa intaas sii dheer in uu Mohamed salah ku lug lagaa 64 gool oo kooxdiisa Liverpool ah tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda 47 gool wuu dhaliyay 17 kale wuu caawiyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here