Dib U Eegid: Mohamed Salah Oo ka Baxay Abaartii Goolasha Ee Garoonka Anfield.

0

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa gool cajiib ah u dhaliyay kooxdiisa kulankii ay Reds guusha qaaliga ah ka gaadhay kooxda Chelsea kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Mohamed Salah ayaa daqiiqadii 51-aad dhaliyay gool cajiib ah oo uu meel fog ka toogtay shabaqada kooxda Chelsea isaga oo hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa.

Kadib Goolkaas Mohamed ayaa ka baxay abaartii gool la,aanta ee garoonka Anfield kadib markii uuna muddo fog ka dhalin wax gool ah garoonka kooxdiisa Liverpool.

Mohamed Salah ayaan wax gool ah ka dhalin garoonka Anfield tan ilaa 9 bishii February isaga oo ku dhibaatooday in uu goolal ka dhaliyo Anfiled kulamadii ugu dambeeyay horyaalka premier League.

Goolka uu Mohamed Salah ka dhaliyay Chelsea ayaa la macno ah in uu soo afjaray 5 kulan oo uuna wax gool ah ka dhalin garoonka Anfield ee ay kooxdiisu ku ciyaarto.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here