Dib U Eegid : Mohamed Salah 20 Koox Oo Horyaalka Ingiriisika Ah Ayuu Gool Ka Dhaliyay Balse Laba Koox Ayaa U Harsan.

0

Xiddig Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sii wata bandhigiisa wacan ee horyaalka Ingiriiska ka dib guushii xalay ee Wolverhampton .

Liverpool ayaa laba gool uga soo badisay Wolverhampton oo ay marti ugu ahaayeen kulan ka tirsanaa wareegga 18-aad ee horyaalka waxaana labadaas gool kala dhaliyay Mohamed Salah iyo Virgil Van Dijk

Shabakadda Opt Joe ayaa sheegeysa in Salah uu haatan shabaqooda soo taabtay 20 koox oo uu uga hor tagay horyaalka Ingiriiska ka dib 22 koox oo uu ka wajahay .

Shabakadaan ayaa xusay in labada koox ee uusan weli shabaqooda soo taaban Salah ay kala yihiin Man United iyo Swansea City

Liverpool ayaa haatan horyaalka Ingiriiska waxa ay ku hayaan afar dhibic ka hor kulanka caawa kooxda ku soo xigta ee Man City ay la ciyaarayaan Crystale Place

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here