Xiddiga koowaad Barcelona ee Messi ayaa xalay jibiyay rikoor taariikhi ah oo u yiilay ciyaryahan hore Real ah ka dib guushii ay ka gaareen Atletico Madrid .
Messi ayaa xalay u dhaliyay Barca gool kaasi yimid daqiiqadihii geerida ee dhamaadka ciyaarta xilli Atletico Madrid ay kulankaas ku dhameysteen toban ciyaaryahan waxaana gool kale Barca u dhaliyay Suarez
Messi ayaa haataan jibiyay rikoor La Ligaha ah oo u yiilay goolhayihii hore Real ee Iker Casillas taasi oo ku aadan dhanka guulaha horyaalka .
Sida wargeyska El Mundo Deportivo sheegayo , Messi ayaa noqday laacibka ugu badan dhanka guulaha ee taariikhda La Ligaha isaga oo badiyay kulankiisii 356-aad halka Iker Casillas uu ku istaagay 355
Dhanka kale goolkaas ee xalay uu dhaliyay ayuu Messi ku gaaray goolkiisii 33-aad ee La ligaha isaga ayaana hogaanka gool dhalinta horyaalkaas haya .
Barca ayaa haatan siw eyn ugu sii dhawaaneysa in ayq adana horyaalka waxa ayna kooxda ku soo xigta ee Atletico Madrid ka sareeyaan 11 dhibic iyaga oo leh 73 dhibic