Dib U Eegid: Man City Oo Noqotay Kooxdii 4-aad Ee Difaacatay Tartanka Carabao Cup-ka.

Kooxda Man City ayaa ku guulaystay tartanka Carabao Cup-ka kadiib markii ay rikoodhayaal ku garaaceen kooxda Chelsea kulan ka dhacay Wembley.

Citizen ayaa rikoodhayaal 3 – 4 ah ku garaacday Chelsea iyaga oo sidaas ugu guulaystay koobka Carabao cup-ka xilli ciyaareedkan.

Kadib ku guulaysiga tartanka Man City ayaa noqotay kooxdii 4-aad oo laba sano xiriir ah ku guulaystay tartanka Carabao cup-ka.

Kooxda Man City ayaa noqotay kooxdii 4-aad oo tartanka difaacatay kadib markii ay sidaas sameeyeen kooxaha Manchester United, Liverpool & Nottingham Forest.

Waxa intaas sii dheer in ay Man City noqotay kooxdii ugu horaysay ee tartanka difaacatay tan ilaa 2009/2010 markaas oo ay Man United sidaas samaysay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here