Dib U Eegid: Man City Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Ay 82 Sano Ka Hor Ku Dhigeen Arsenal.

0

Goolal uu dhaliyay xiddiga Sergio Aguero ayaa Man City ka caawiyay in ay garaacdo kooxda Arsenal kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 25-aad.

Citizen ayaa 2 dhibcood ka dhigtay dhibcaha ay ka dambayso Liverpool kadib guushii ay ka gaadheen kooxda Arsenal Kulan ka dhacay garoonka Etihad.

Kooxda uu hogaamiyo Pep Guardiola ayaa boodhka ka jaftay rikoodh ay ku dhigtay Arsenal 82 sano ka hor tartanka premier League.

Kooxda Man City ayaa 4 kulan oo xiriir ah ka badisay kooxdaxda Arsenal heerka sare ee England markii ugu horaysay tan ilaa bishii April 1937-kii.

Citizen ayaa haatan dib ugu soo laabatay kaalinta 2-aad ee kala saraynta premier League iyada oo 2 dhibcood oo kaliya ka dambaysa Liverpool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here