Dib U Eegid: Man City Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Ay 52 Sano Ka Hor Dhigtay Kadib Guushii Rotherham United

0

Kooxda Man City ayaa xasuuq weyn u gaysatay kooxda Rotherham United kulan ka tirsanaa wareegii 3-aad ee tartanka FA Cup-ka.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Raheem Sterling, Phil Foden, Gabriel Jesus, Riyad Mahrez, Nicolas Otamendi, Leroy Sane iyo gool uu iska dhaliyay Semi Ajayi ayaa Man city ka caawisay in ay gaadho guul weyn.

Kadib guushaas Man City ayaa iska xaadirisay wareega xiga ee tartanka FA Cup-ka iyaga oo raacay kooxihii kale ee horay isaga xaadiriyay.

Man City ayaa boodhka ka jafatay rikoodh ay dhigtay sanadkii 1968 kadib markii ay guusha weyn ee 7/0 ah ka gaadhay kooxda Rotherham United.

Kooxda Man City ayaa dhalisay 7 gool kulan kaliya oo FA Cup-ka ah markii ugu horaysay tan ilaa 1968 markaas oo ay 7 ku garaacday kooxda Reading.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here