Dib U Eegid: Macasalaama, Man United Oo Haatanba Ka Hadhay Champions League Kadib Guuldaradii PSG & Xog Xaqiijinaysa

Kooxda PSG ayaa dhigeeda Man United dhabarka u saartay guuldaro kulan ka tirsanaa tartanka champions League lugta 1-aad ee wareega 16-ka.

Kooxda reer France oo ay ka maqan yihiin xiddigaha ugu muhiimsan ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee guuldaro dhabarka u saarta tababare Solskjaer.

Goolasha ay PSG guusha ku gaadhay ayaa mid qaybtii dambe ee ciyaarta iyaga oo ay u dhaliyeen xiddigaha Presnel Kimpembe & Kylian Mbappe.

Hadaba Kooxda Man United ayaa haatanba ka hadhay tartanka champions League ka hor inta aan la ciyaarin lugta 2-aad ee tartanka sida ay muujinayso xog la helay.

Xogtaas ayaa sheegaysa in ay jiraan 34 kooxood oo lugta 1-aad ee wareega bug-baxa la kulmay guuldaro 2 gool iyo wax ka badan ah.

Laakiin ma jirto koox ka soo laabatay guuldaradaas una gudubtay wareega xiga ee tartanka ugu qiimaha weyn yurub ee champions League.

Si kasta ha ahaatee xogtaas ayaan kubada cagta waxba ka qaban karin waxana ay Man United noqon kartaa kooxdii ugu horaysay ee sidaas samaysay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here