Dib U Eegid: Lionel Messi Oo Ugu Dambayn Ka Baxay Inkaartii Gool La,aanta 8 Dhamaadka Champions league, Goorma Ayaa Ugu Dambaysay Gool Uu Ka Dhaliyo Wareegan?

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laba u kala jaray kooxda Man United kadib laba gool oo 5 daqiiqo gudohood kaga dhaliyay Red Devils kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League kana dhacay garoonka Camp Nou.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa labadaas gool kaga baxay Inkaartii ka haysatay goolasha 8 dhamaadka tartanka champions League kaas oo uuna muddo dheer gool ka dhalin.

31 jirka reer Argentine ee Lionel Messi Messi ayaa markii ugu horaysay gool ka dhaliyay 8 dhamaadka taranka champions League tan ilaa bishii April ee sanadkii 2013.

Labada gool ayaa sidoo kale Lionel Messi ka caawiyay in uu hogaanka u qabto gool dhalinta tartanka champions League xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 10 gool.

Sidoo kale Labadaas gool ayaa ka mid ah labaleydii 6-daad ee uu Lionel messi ka dhaliyay 8 dhamaadka tartanka champions League iyo waliba midii ugu horaysay tan ilaa 2015 markaas oo uu laba gool ka dhaliyay Bayern Munich.

Lionel Messi ayaa sidoo kale sidaas ku gaadhay goolkiisii 45-aad ee xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan isaga oo goolashaas ku dhaliyay 42 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here