Xiddiga kooxda Barcelona ee Lional Messi ayaa guuldaro ka badbaadiyay kooxdiisa Barcelona kadib markii uu laba gool u dhaliyay kulankii ay bar-baraha la galeen Valencia.
Lionel Messi ayaa kooxdiisa ku soo celiyay ciyaarta kadib markii ay kooxda Valencia 2 gool uga horaysay 30-kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horaysay.
Xiddiga Lionel Messi ayaa goolka 1-aad ka dhaliyay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa kadib markii khalad lagu galay xiddiga Nelson Semedo.
Lionel Messi ayaa gool u badalay rikoodhahaas isaga oo rikoodh ku dhigay kadib goolkaas rikoodhaha ah ee uu u dhaliyay kooxdiisa.
Messi ayaa noqday xiddiga 3-aad ee 50 gool oo rikoodhe ah ka dhaliya taariikhda horyaalka La Liga isaga oo ka dambeeya xiddigaha Cristiano Ronaldo (61) & Hugo Sanchez (56).
Advertisement