Dib U Eegid: Kadib Kaadhkii Casaa Paul Pogba Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh United U Yaalay 7 Sano

Kooxda Man United ayaa guuldaro xanuun kulul kala kulantay kooxda PSG Kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa lugtii 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Goolal ay dhaliyeen Presnel Kimpembe & Kylian Mbappe PSG ka caawiyay in ay Hal Lug la sii galaan wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Kulankaas ayaa kaadhka cas loo taagay xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba daqiiqadihii ugu dambeeyay kadib markii uu la murmay garsoorihii dhex-dhexaadinayay kulanka.

Kadib kaadhkaas cas Pogba ayaa boodhka ka jaftay rikoodh xun oo muddo dheer u yaalay Man United tartanka champions League.

Paul Pogba ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee qaata kaadhka cas wareega Bug-baxa tartanka champions Leageu tan ilaa March 2013.

Xiddigii ugu dambeeyyay ee kaadhka cas qaata wareegan ayaa ahaa Luis Nani kaas oo qaaatay kulan ay Man United la ciyaaraysay Real Madrid.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here