Dib U Eegid: Kadib Kaadhkii Casaa, Lucas Torreira Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Uu Robin van Persie U Dhigay Arsenal 11 Sano Ka Hor

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Lucas Torreira ayaa kaadhka cas qaatay kulankii ay kooxda Arsenal bar-baraha la gashay kooxda Tottenham kana tirsanaa horyaalka premier League.

Xiddiga reer Uruguay ayaa khalad ku galay xiddiga kooxda Tottenham ee Danny Rose kaas oo sabab u noqday in loo taago kaadhka cas ee toosk ah.

Kadib kaadhkaas cas xiddiga Lucas Torreira ayaa boodhka ka jaftay rikoodh uu Robin van Persie 11 sano ka hor gaar ahaan sanadkii 2008.

Lucas Torreira ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee kaydka ka soo kaca Arsenal kulan premier League ah kadib kaadhka cas loo taago tan ilaa Robin van Persie.

Robin van Persie ayaa sidaas sameeyay kulan 2008 ahaa oo ay Arsenal la ciyaaraysay kooxda Stoke City kana tirsanaa premier League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here