Dib U Eegid: Kadib Guushii Tottenham Ole Gunnar Solskjaer Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Taariikhi Ah Oo Yaalay Man United Premier League

Kooxda Man United ayaa guul ka gaadhay kooxda Tottenham kulan ka dhacay Wembley kana tirsanaa todobaadkii 22-aad ee horyaalka premier League.

Marcus Rashford ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Man United daqiiqadii 44-aad kadib markii uu baas adduun kale ka yimid ka helay Paul Pogba.

Taas ayaa la macno ah in ay Man United gaadhay guusheedii 5-aad oo xiriir ah horyaalka premier League tan ilaa markii uu Ole Gunnar Solskjaer la wareegay shaqada tababaranimada.

Kadib guushaas tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa bar-bareeyay rikoodh taariikhi ah oo u yaalay kooxda waliba aanu jirin tababare kale oo u dhawaaday.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa la bar-bareeyay rikoodhka tababarihii hore ee Man United ee Matt Busby ee guulaha 5-ta kulan ee ugu horeeya ee horyaalka.

Man United ayaa garaacday kooxda Huddersfield, Newcastle, Bournemouth, Cardiff, Iyo Tottenham tan ilaa markii uu Ole Gunnar Solskjaer sida ku meel gaadhka ah kula wareegay shaqada kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here