Dib U Eegid: Kadib Goolkii Uu Dhaliyay N’Golo Kante Oo Dhigay Rikoodhkiisii Ugu Fiicnaa Ee Gool Dhalinta, Imisa Gool Ayuu Dhaliyay?

0

Kooxda chelsea ayaa guul ku rafaaday ka gaadhay kooxda Crystal Palace kulan ka dhacay garoonka Selhurst Park kana tirsanaa todobaadkii 20-aad ee horyaalka premier League.

Xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ay chelsea guusha kaga gaadhay kooxda Crystal Palace.

Xiddiga reer France oo aan ahayn xiddig goolal looga bartay ayaa si cajiib ah goolka ugu dhaliyay kooxdiisa Chelsea.

26 jirka reer France ee N’Golo Kante ayaa haatan dhaliyay goolkiisii 3-aad ee 20-kii kulan ee premier League xilli ciyaareedka.

Goolkii uu ka dhaliyay Crystal Palace ayaa la macno ah in uu dhigay rikoodhkiisii ugu fiicnaa ee gool dhalinta xilli ciyaareed kaliya shanta horyaal ee ugu waaweyn yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here