Gonzalo Higuain ayaa kooxdiisa chelsea ku hogaamiyay guul weyn oo ay ka gaadheen kooxda Huddersfeild Town kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
Weeraryahanka reer Argentine ayaa dhaliyay 2 gool oo ka mid ah 5-ta gool ee ay dhalisay kooxda chelsea kulankii Huddersfield Town.
Kadib labadaas gool Gonzalo Higuain ayaa boodhka ka jaftay rikoodh 19 sano u yaalay kooxda chelsea horyaalka premier League.
Gonzalo Higuain ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee dhaliya 2 gool kulankii ugu horeeyay ee uu ku ciyaaro Stamford Bridge tan ilaa bishii August 2000.
Xiddigii ugu dambeeyay ee sidaas sameeyay ayaa ah xiddiga Mario Stanic kaas oo 2 gool ka dhaliyay kulankiisii ugu horeeyay ee Stamford Bridge kulan ay Blues la ciyaaraysay kooxda West Ham August 2000.