Dib U Eegid: Garoonka Girona Ee Montilivi Oo Noqday Garoonkii Ugu Dambeeyay Ee Uu Lionel Messi Gool Ka Dhaliyay, Imisa Garoon Oo Hore Ayuu Gool Ka Dhaliyay?

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa wali sii wada jabinta iyo dhigista rikoodhada horyaalka La Liga.

Lionel Messi ayaa Barcelona ku hogaamiyay guul ay ka gaadhay kooxda Girona kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 21-aad.

Messi ayaa gool ka dhaliyay Girona daqiiqadii 68-aad isaga oo gool u badalay baas uu ka helay xiddiga Garabka daafaca uga ciyaara Barcelona ee Jordi Alba.

Kabtanka Barcelona ayaa dhaliyay goolkiisii 19-aad ee horyaalka La Liga isaga oo sii dheeraystay hogaanka horyaalka La Liga.

Kadib goolkaa Leo Messi ayaa rikoodh cajiib ah ka dhigay horyaalka La Liga kadib markii uu gool ka dhaliyay 36 garoon oo ka mid ah 42 garoon oo La Liga ah oo uu ku ciyaaray.

Garoonka Girona ee Montilivi ayaa noqday garoonkii 36-aad ee uu ka dhaliyo horyaalka La Liga kadib 42 garoon oo uu ka ciyaaray horyaalka La Liga.

36 garoon ee uu Messi goolka ka dhaliyay horyaalka La Liga ayuu ka dhaliyay 170 gool tan ilaa markii uu kulankii ugu horeeyay u saftay Barcelona.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here