Dib U Eegid: David De Gea Oo Isku Qoray Taariikhda Premier League & Waliba Kooxda Man United

0

Kooxda Man United ayaa bar-baro goolal la,aan ah la gashay kooxda Liverpool kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkiisii 27-aad kulan ka dhacay Old Trafford.

Kulanka ayaa ahaa mid ay dhaawacyo badan soo gaadheen labada xiddig waxana uu ahaa mid niyad jab ahaa maadama ayna labada kooxoodba soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.

Goolhaye David De Gea ayaa isku qoray taariikhda horyaalka premier League kadib markii uu shabaqa ka ilaashaday kooxda Liverpool.

David De Gea ayaa noqday goolhayihii 7-aad ee 100 kulan oo premier League ah ilaashada shabaqiisa isaga oo waliba u ciyaaraya koox kaliya.

Sidoo kale De Gea ayaa ah goolhayihii 2-aad ee Man United sidaas sameeya isaga oo ka dambeeya halyeeyga reer Denmark ee Peter Schmeichel.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here