Dib U Eegid: Crystal Palace Oo Liverpool Ka Jabisay Rikoodh Ay Ku Taamaysay Xilli Ciyaareedkan, Muxuu Yahay?

0

Kooxda Liverpool ayaa guul ay ku rafaaday ka gaadhay kooxda Crystal Palace kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka premier League kulan la kala dhaliyay 7 gool.

Crystal Palace ayaa Liverpool ka jabisay rikoodh cajiib ah oo u yaalay garoonka Anfield tartanka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Andros Townsend, James Tomkins Iyo Max Meyer ayaa Sabab u noqday in ay Palace Liverpool ka jabiso rikoodh cajiib ah.

Crystal Palace ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee Anfield ka dhalisa 2 gool iyo wax ka badan horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Reds ayaa gaadhay guusheedii 7-aad oo xiriir ah premier League ee ay ku gaadho garoonkeeda Anfield.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here