Dib U Eegid: Barcelona Oo Noqotay Kooxda Goolasha Ugu Badan Dhalisay Horyaalada Yurub Sanadka 2018, Imisa Gool Ayay Dhalisay?

0

Barcelona ayaa guul ayna ku dhibaatoon ka gaadhay kooxda Celta Vigo kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay garoonka caanka ah ee kooxda Barcelona ee Camo Nou.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Ousmane Dembele & Lionel Messi ayaa Barcelona ka caawiyay in ay ka talaabsato Celta Vigo guulna ugu soo xidhato sanadka 2018.

Guusha ayaa Barcelona ka caawisay in ay 3 dhibcood oo cadaan ah ku qabato hogaanka horyaalka La Liga kadib markii ay Atletico Madrid la dhibco noqotay kadib guushii ay gaadhay wakhti hore oo maanta ah.

Kadib labadii gool ee ay dhalisay kooxda Barcelona ayaa noqotay kooxda ugu goolasha badan sanadka 2018 horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona sanadka 2018 dhalisay 102 gool iyada oo ah kooxda kaliya ee sidaas samaysay ama goolashaas dhalisay shanta horyaal ee ugu waaweyn yurub.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here