Dib U Eegid: Barcelona Oo Boodhka Ka Jafatay Rikoodh Ay Chelsea Champions League Ka Dhigtay 2 Sano Ka Hor

0

Kooxda Barcelona ayaa garaacday Man United iyaga oo ka reebay tartanka champions league kadib guul 3/0 ah oo ay ka gaadheen kooxda reer England sidaasna ugu soo baxay wareega Semi-finalka tartanka champions league.

Goolal ay dhaliyeen Lionel Messi (2) iyo Philippe Coutinho ayaa Barcelona ka caawiyay in ay dhaafaan kooxda Man United iskana xaadiriyaan Semi-finalka tartanka champions Leageu.

Saddexda gool ee ay Barcelona ka dhalisay Man United ayaa dhamaantood ka dhashay meel ka baxsan dilinta ganaaxa iyaga oo Lionel Messi iyo Coutinho meel dheer ka toogteen shabaqa.

Kadib saddexaas gool Barcelona ayaa boodhak ka jafatay rikoodh ay Kooxda chelsea champions League ka dhigtay 2 sano ka hor gaar ahaan bishii September ee sanadkii 2017.

Kooxda Barcelona ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee saddex gool ka dhalisa meel ka baxsan dilinta ganaaxa tartanka champions League tan ilaa kooxda chelsea oo sidaas samaysay.

Chlesea ayaa saddex gool oo ka baxan dilinta ganaaxa ka dhalisay ciyaar champions League ah kulan ay la ciyaarayeen kooxda Qarabag kulan dhacay bishii September 2017.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here