Dib U Eegid: Arsenal Oo Diwaan Gashatay Rikoodh Liita Oo Ay Kali Ku Tahay Premier League Xilli Ciyaareedkan Kadib Bar-Barihii Tottenham

Kooxda Arsenal ayaa bar-baro la gashay kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 29-aad.

Gunners ayaa bar-baro 1/1 ah la gashay Spurs kulan ka dhacay Wembley iyaga oo sii wada luminta dhibcaha kooxaha ugu sareeya horyaalka.

Kadib bar-barahaas kooxda Arsenal ayaa garoonka kala baxday rikoodh xun oo ay kaligeed ku tahay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaan shabaqeeda ilaashan dhamaan kulamadii ay ciyaartay premier League kuna ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed kooxda Arsenal ayaa ah kooxda kaliya ee horyaalka premier League ayaan shabaqeeda ilaashan kulamada ka baxsan garoonkeeda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here