Dib U Eegid: Arsenal Oo Boodhka Ka Jafatay Rikoodh Xun Oo Ay Premier League Ka Dhigtay 4 Sano Ka Hor

Kooxda Arsenal ayaa boodhka ka jaftay rikoodh xun oo ay dhigeen 4 sano iyo badh ka hor kana dhigeen horyaalka premier League kulankii ay guuldarada kala kulmeen kooxda Man City.

Inkasta oo ay qaybtii hore ee ciyaarta u muuqatay qaar ka fiican Man City hadana Gunners ayaa gabi ahaan is qarisay qaybtii dambe ee ciyaarta.

Kooxda Arsenal ayaan wax laad ah ku laagin goolk Arsenal qaybtii dambe ee ciyaarta kulankii ay Man City guuldarada kala kulantay.

Markii ugu dambaysay ee ay Gunners ku fashilantay in ay wax laad ah ku laagto goolka kooxda ka soo hor jeeda premier League ayaa ahayd bishii May sanadkii 2015.

Arsenal ayaa ku fashilantay in ay wax laad ah ku laagto qaybtii dambe ee kulankii Man City markii ugu horaysay tan ilaa May 2015 markaas oo ay la ciyaarayeen kooxda Man United gaar ahan qaybtii hore ee kulankaas.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here