Dib U Eegid: Alexandre Lacazette Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Uu Dhigay Robin van Persie 8 Sano Ka Hor

Kooxda Arsenal ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Southampton kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkiisii 27-aad.

Goolal ay dhaliyeen Alexandre Lacazette & Henrikh Mkhitaryan ayaa Arsenal ku hogaamiyay guul 2/0 ah oo ay ka gaadheen kooxda Southampton.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette ayaa isku qoray taariikhda Arsenal boodhkana ka jaftay rikoodh u yaalay Arsenal.

Weeraryahanka Alexandre Lacazette ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Arsenal ah ee gool dhaliya 4 kulan oo xiriir ah oo Emirates ah.

Alexandre Lacazette ayaa bar-bareeyay weeraryahankii hore ee Arsenal ee Robin van Persie kaas oo 5 kulan oo xiriir ah gool ka dhaliyay Emirates premier league bishii March 2012.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here